Diyaarad uu la socday Madaxweyne Caan ah oo Rasaas lagu furay (Daawo Sawirada)

Diyaarad nuuca Helicopterka ah uu la socday Madaxweynaha dalka Colombia  Iván Duque, ayaa rasaas lagu furay xili ay diyaarada mareysay hawada gobolka Catatumbo oo kuyaala Xuduud dalka Venezuela.

Madaxweynaha Colombia diyaarada lagu rasaaseeyay waxaa la saarnaa wasiirada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolka  , waxa ayna masuuliyiintan weerarka la kulmeen xili diyaarada aysan degin oo hawada ku jirtay.

Weerarka lala beegsaday diyaarada uu la socday Madaxweynaha Colombia ayaa la sheegay in aysan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, waxaana diyaarada soo gaaray dhaawacyada rasaasta haleeshay.

Madaxweynaha dalka Colombia Iván Duque ayaa weerarka lagu qaaday ku tilmaamay weerar fuleynimo ah, waxa uuna xusay in weerarkaasi argagaxiso uusan marnaba cabsi galin isaga iyo masuuliyiintii kale ee la socotay.

Koox mucaarad ah oo la magax baxday Ciidamada qaran ee xoreynta ayaa ku sugan xadka ay wadaagaan Colombi aiyo Venezuela, waxaana weerarka diyaarada lagu qaaday loo badinayaa in kooxdaasi ka dambeesay.

- Advertisement -