Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo qaabilay taliyaha Howlgalada gaarka ee Mareykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid magaaladda Boosaaso.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ku ciribtirayso argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen Ciidamada Puntland, waxaana Kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac.

Related posts

Diyaarad Drone ah oo lagu arkay Hawada Villa Somalia iyo rasaas lagu riday

Cabdi Cade

Rag dilal ka geystay Magaalada Kismaayo oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaflad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Benadir oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---