Baaqii Gudoomiyaha golaha Shacabka oo u muuqda mid dhagaha laga fureestay !!

Gudoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hada u muuqda mid aan dowlada Dhaxe ku laheyn awood muuqata uu wax ku socodsiin karo.

Maxamed Mursal ah ayaa ah sida sharciga ninka labaad ee ugu sareeya awooda Dowlada Federaalka, waxa uu sidoo kale yahay ninka ugu sareeya Siyaasada Koonfur Galbeed ee mudan in wax laga weediiyo loogana dambeeyo.

Shir Jaraa’id uu sabtidii ku qabtay Maxamee Mursal magaalada Muqdisho ayuu ku baaqay in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la filayo in beri oo arbaco ah ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Baaqa Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa u muuqda mid dhagaha laga fureestay oon wax dareen ah la siin, waxaana halkeeda kasii socota qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hada lasii ogyahay cida ku guuleesaneysa.

Hadii Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya sidan ku dhacdo lana doorto ninka Madaxtooyada wadato waxaa muuqanaya in meesha ka baxday labadii awood uu lahaa Gudoomiyaha golaha shacabka uuna noqon doono nin laga tashaday.

Khilaafka ugu xoogan ee hada ka dhax jira dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ahaa arinta doorashada Koonfur Galbeed, waxa ayna dowlada xirtay xoogna doorashada uga reebtay Musharax Abuu Mansuur oo wal wal badan ku hayay.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan markii Madaxtooyada Soomaaliya ay meesha ka saareysay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in ay rabtay in ay hesho Gudoomiye magac u yaal ah oon rabitaankeeda kahor imaan karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -