Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan xasaasi ah oo caawa Muqdisho uga socda RW Khayre & Guddoomiye Mursal

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray kulan ayaa waxaa haatan magaalada Muqdisho uu uga socdaa guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa hadda ka socda Xarunta Wasaaradeed oo u dhow agagaarka Isgoyska Soobe, waxaana la xiray wadooyinka aaggaas taga oo dhan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay waan-waan laga dhex sameeyey dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaano ku dhow labada dhinac ayaa sheegay in kulanka oo ah mid xasaasi ah la filayo in heshiis kama dambeys looga gaaro khilaafka hareeyay baarlamaanka iyo xukuumadda oo ku saabsan mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya iyo kala dirista guddiga Maaliyada.

lama oga sababta Guddoomiyaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ugu kulmi waayeen xarumahooda midkood balse Khayre oo galabta dalka ku soo laabtay ayaa bilaabay dedaal lagu xalinayo ismaan dhaafka taagan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu wakiishay Ra’iisal wasaaraha, kadib markii uu Guddoomiye Mursal ayaa dalbaday inay arrinta Mooshinka ka wada hadlaan Madaxweynaha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidamada difaaca Uganda: “Dhibaato ayaa nagu Heysata Soomaaliya”

Caydiid Ali

Daawo Sawirada :Cristiano Ronaldo oo koobka Aduunka diyaarsaday Waardiyaal gaar ah !! 

Cabdi Cade

Sanbaloolshe oo Farta ku fiiqay ciddii ka dambeesay qaraxii lagu dilay Xildhibaan Aamina

Cabdi Cade
Taboola Ads ---