Taliyaha Ciidamada difaaca Uganda: “Dhibaato ayaa nagu Heysata Soomaaliya”

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Gen David Muhooz ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ee loo keenay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan  Al-shabaab in ay heysato dhibaato dhaqaale xumo iyo mid farsamo, waxa uu sidoo kale sheegay in culays ay  ku hayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Wareysi uu siiyay Wargeyska monitor.co.ug, ee laga leeyahay dalka Uganda ayaa waxa uu sheegay in arimahaasi ay  dhalisay  in ay burburiyaan  xerooyinkii Militray oo ay ku howlgalayeen si ay u adkeeyaan difaacooda waxaana uu hoosta ka xariiqay in aysan awoodin iney qaadaan weeraro ka dhan ah Al Shabaab.

“ Waxaan cadeynayaa in hadda aanan difaaci Karin meelihii aan horay u qabsanay, si toos ahna cadowga awoodooda hoos ma ugu dhigi karno , waa caqabad aan ku jirno dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya waxeey walaacan u gudbiyaan deeq bixiyaasha, sidaas darteed hadii ay na garab istaagto beesha caalamka horay ayaan u socon karnaa” sidaas ayuu yiri .

War wax laga weydiiyay inuu ula jeedo in Ciidamada Uganda ay ku jahawareereen Soomaaliya ayaa waxa uu yiri General Muhoozi, “ Waxaa jira kala duwanaasho ku aadan waxa aan rabno inaan gaarno iyo waxa aan heysano, waxa aan ka hadlayo waa howlgalkeena dhibaatada heysata”

 “ U jeedkeenu wuu ka weyn yahay Ciidamada Uganda ee xaaladda adag ugu howlgalaya Soomaaliya, hadaan horay u socono dhabarkeenu amaan ma ahan waa lagu soo weerari karaa, Soomaaliya malahan ciidamo xeeladeesan oo kula howlgala”

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Gen David Muhooz ayaa horay u dhaliilay  qaabka loo tababaro ciidamada Soomaaliyeed oo wadamo kala duwan ay tababaraan waxa uuna ku baaqday in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loo tababaro ciidan wadajir ah oo amniga dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM.

Bishii February ee sanadkan Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shir ku saabsanaa istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana madaxda loo gudbiyay dhibaatooyinka daba dheeraaday ee heesta howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa Ee AMISOM.

W/Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -