Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle & RW ku-xigeenka Somalia (Sawirro)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahad-celiyey taageerada reer Bjibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wsiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -