Sanbaloolshe oo Farta ku fiiqay ciddii ka dambeesay qaraxii lagu dilay Xildhibaan Aamina

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa sheegay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay Baledweyne.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ahaa mid qorsheesan oo loogu tala galay in iyada lagu dilo, waxa uuna xusay xilli ay soo galeysay Madaxtooyada uu xilligaasi isagu ku jiray qof isku qarxiyay Xildhibaanada.

Waxa uu tilmaamay Sanbaloolshe in qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi in uu ahaa qarax la qorsheeyay oo siyaasad ka dambeesay, waxa uuna ka gaabsaday in uu farta toos ugu fiiqo cidii qorsheesay qaraxa lagu dilay Xildhibaanada.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in qaraxan ka dhacay magaalada Baledweyne u muuqdo mid lagu doonayo in khal khal ammaan lagu galiyo magaalada si dib u dhac ugu yimaado doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socota.

Sanbaloolshe ayaana farta ku fiiqay in arrimahan ku lug leeyihiin dad uu tilmaamay in ay ka niyad jabsan yihiin sida doorashada hada uga socota magaalada kuwaa uu tilmaamay in ay waayeen sidii ay wax u rabeen.

Magaalada Baledweyne oo ay ka socoto doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ayaa horey waxaa uga dhacay inta dooarshada billaaban qarax lagu dilay musharaxiin, ergo iyo dad kale , waxaana qaraxan xalay dhacay hadana noqday mid kasii xanuun badan kii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -