Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Dowladaha Islaamka oo Xiriirka Milatari u jartay Dowlada Mareykanka

Dowlada Pakistan ayaa shaacisay in xiriirkii Milatari iyo midka sirdoon ay la laheyd Dowlada Mareykanka ay joojisay kadib markii Dowlada Mareykanka shaacisay in kaalmada Milatari ka jareyso Dowlada Pakistaan.

Madaxwenaha Dalka Mareykanka Donald Trupm ayaa dhawaan dowlada Pakistan ku eedeeyay in ay qiyaantay dowlada Mareykanka , waxa uuna ku hanjabay in uu dowladaasi ka jarayo kaalmada Milatari ee siiyaan .

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Pakistan Khurram Dastgir Khan ayaa ku dhawaaqay in xiriirka Milatari iyo midkii sirdoon ay la lahaayeen dowlada Mareykanka joojiyeen, waxa uuna sheegay in Mareykanka in uu qaatay go’aan hubsiimo la’aan ah.

War kasoo baxay Safaarada Dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Islamabad ayaa lagu sheegay in aysan wali helin go’aankan ka soo baxay dowlada Pakistan ee xiriirka milatari loogu jaray Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa malaayiin Dollar siin jirtay dowlada Pakistan, hasa ahaatee Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Pakistan in aysan la dagaalamin kooxaha argagaxisada sidaa darteed ay ka jarayaan kaalmada Milatari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano badan oo Soomaali Kenyan ah oo hal arin darteed halis ugu jira in xilkooda ku waayaan

Cabdi Cade

Deni oo dhagax dhigay qeyb cusub oo lagu kordhinayo Safaarada Somalia ee Lusaka (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Sh/dhexe oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---