Jaamacadda Banaadir oo sheybaar casri ah ku soo bandhigtay Carwada dhismaha & Guriyeynta (Daawo Sawirro)

Kuliyadda Handasada iyo Teknoloojiyadda (Faculty of Engineering and Technology)  ee Jaamacada Benadir ayaa markii ugu horraysay taariikhda dalka keentay Sheybaar casri ah oo loogu talo galay hubinta nuucyada, tayada iyo culayska ay qaadi karto ciida laga dul dhiso dabaqyada dhismayaasha waaweyn (Geotechnical Laboratory).

Sheybaarkan ayay Jaamacaddu ku soo bandhigtay Carwada dhismaha iyo guriyeynta ee (SORECO & HOMES EXPO 2018) oo muddo afar maalmood ah ka socotay Magaalada Muqdisho shalayna la soo gebagebeeyey, taasoo ay ka qeyb galeen shirkadaha waddaniga ah ee dhismaha qaabilsan, Bankiyada maxalliga ah ee maalgeliya guriyeynta iyo hey’ado kale oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh howlaha dhismaha, iyadoo Jaamacadda Benadir ay ahayd Jaamacadda keliya ee ka qayb gashay Carwadan.

Sheybaarkan oo qiimo sare ugu fadhiya Jaamacadda Benadir ayaa loogu talo galay inay wax ku bartaan ardayda kuliyadda Engineering iyo inay ka faa’iidaystaan shirkadaha iyo hay’adaha qaabilsan dhismaha ee ka shaqeeya dalka.

Engineerro ka tirsan Jaamacada Benadir ayaa dadka ka soo qeyb galay carwadan u sharraxayey waxyaabaha uu qabto sheybaarkan casriga ah iyo muhiimadda uu leeyahay, waxaana sidoo kale goobtaas lagu soo bandhigay ciid noocyo kala duwan leh oo laga kala keenay gobolada dalka kuwaasoo loo isticmaalo go’aan ka gaarista aas’aaska dhismayaasha.

Guddoomiyaha Jaamacada Benadir Prof. C/risaaq Axmed Dalmar oo khudbad kooban ka jeediyey munaasabad lagu soo xirayey carwadan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb galka carwadan oo uu xusay iney muhiimad gaar ah u leedahay.

Prof. Dalmar ayaa xusay in waddanka ay ka socdaan isbadallo dhinaca dhismaha iyo guriyeynta sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in qaabkii guryaha loo dhisi jirey dib u eegis lagu sameeyo lagana doodo tayada guryaha la dhisi jiray maadaama buu yiri badankood markii la dhisayay aan la raacin sharciga dhismaha.

“Dhibaatooyinka ay sababeen dhismayaasha baalmaray habraaca sharciyada dhismaha iyo shuruudaha tayada, waxaa ka mid ah; 26kii April 2016, deegaanka Garasbaaleey, iyadoo salaadda jimcaha ay dadka dukanaayaan waxaa ku soo dumay shubka masjid dabaq ahaa, waxaana ku geeriyooday 15 qof 30 kalena way ku dhaawacmeen” ayuu yiri Prof. Dalmar.

Jaamacadda Benadir ayuu sheegay Prof. Dalmar iyadoo qaadaneysa mas’uuliyadda wadaniga ah ee kaga aaddan horumarinta bulshada inay furtay sannadkii 2005 kuliyadda Handasada iyo Teknolojiyada si ay u soo saarto enjineerro tayo leh oo ka shaqeeya dib u dhiska dalka.

“Ilaa hadda waxaan soo saarnay 146 Engineer, waxaana sanadaha soo socdo kuliyadda ka qalin jabin doono in ka badan 200 oo engineer. Sidoo kale, Jaamacadda waxay sheybaaradeeda ku soo kordhisay sheybaarka baaridda carrada oo loogu talo galay in lagu baaro carrada goobta guryaha ama laamiyada laga dhisaayo si loo maro habraaca kontrolka tayada (Quality Control Procedures)” ayuu yiri Prof. Dalmar oo intaa ku daray in Sheybaarakn uu shirkadaha dhismaha ka caawiyo baaridda carrada oo ay markii hore u qaadi jireen dalka dibadiisa, isagoo ugu dambeyn u mahad celiyey shirkadaha soo agaasimay carwadan.

Wasiiradii hore ee Arrimaha dibeda Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyana munaasabadaas hadalo kooban ka jeedisay ayaa si weyn u amaantay horumarka ay gaareen shirkadaha dhismaha iyo heyadaha kale ee ka qeyb qaatay carwadan iyadoo ku boorisay iney dedaalkooda sii xoojiyaan.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa isna bogaadiyey shirkadaha dhismaha kaalinta ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, wuxuuna xusay in carwooyinka noocan ah ay caan ka yihiin dalalka caalamka, uuna ku faraxsan yahay in Soomaliya markii ugu horraysay lagu qabtay wuxuuna u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha iyo shirkadaha soo abaabulay.

Ugu dambeyn mas’uuliyiinta ka qeyb gashay carwadan ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee shirkadaha dhismaha iyo hay’adaha xiriirka la leh ku soo bandhigeen howlaha ay qabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -