Deni oo dhagax dhigay qeyb cusub oo lagu kordhinayo Safaarada Somalia ee Lusaka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo lagu kordhinayo Safaarada Soomaaliya ee Dalka Zambia

Dhismayaasha ayaa kala ah Qeybta degaanka Safiirka iyo Guriga Martida ee Safaarada Soomaaliya ee Dalka Zambia, Dhismaha xarumaha lagu kordhinayo Safaarada waxaa iska kaashanaya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Safaarada.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ee dalka Zambia ku nool ay helaan Safaarad dhisme ahaan dhameystiran oo ka jawaabi karta baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkan ku nool.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Dalka Zambia waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah qaarkood halkaas ku noolaa muddo fog, waxayna u badan yihiin ganacsato halkaas ku leh shirkado adeegyo kala duwan bixiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -