Raisul Wasaare Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay dalka Qadar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib maalma uu booqasho iyo safar shaqo ku joogay dalka Qatar.

Khayre ayaa intii uu joogay Qatar waxa uu la kulmay dhiggiisa iyo amiirka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dawladood, iyadoo labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi.

Mudane Xasan Cali ayaa la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Qatar, Turkey, Japan iyo Kenya, waxa uuna khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar, isaga oo sidoo kale ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Doxa.

Intii ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisu ay joogeen dalka Qatar ayaa sidoo kale laga wada hadlay fulinta iyo dedejinta heshiisyadii horay u galeen labada dawladood.

Wasiirka isgaarsiinta, dekada iyo gaadiidka dalka Qatar oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii uu ra’iisul wasaaruhu la kulmay ayaa ballan qaaday in dhawaan la dhisayo dekadda Hobyo ee gobalka Mudug, iyadoo sidoo kale shirkadda Diyaaradaha Qatar ay shaacisay in July 2019 ay bilaabayso duulimmadyo ay uga kala gooshayso Muqdisho iyo Doxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -