Sacuudiga oo si jawaab caro leh ka bixiyay go’aan ka soo baxay Senatka Maraykanka

Dowladda Saudi Arabia ayaa ku gacan seyrtay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo gebagebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Saudia ee Yemen, isla markaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka oo saldhig looga dhigay eedeymo aan hubneyn, waxayna diideysaa faro-gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”.

Riyad ayaa ka digtay inaysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeertay xushmad darro lagu sameeyo xeerarkeeda, waxayna ku sheegtay in qaraarkan uu farriin qaldan u dirayo dadka doonaya inay khilaaf ka dhex abuuraan xiriirka Saudiga iyo Mareykanka.

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa toddobaadkii diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah.

Senate-ka ayaa meel-mariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo geba-gebeeyo taageeridda faro-gelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Labada qaraar ayaa diidmo qayaxan ku ah siyaasadda maamulka madaxweyne Trump oo doonayey inaan la qaadin tallaabo dhaawici karta xiriirka wada-shaqeyn ee Washington iyo Riyadh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -