Musharax Kheyre oo Balan qaad weyn u sameeyay Haweenka Soomaaliyeed (Daawo Sawirro)

Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre oo si qota dheer uga hadlay muhiimadda ay dowadnimada u leedahay xaqiijinta iyo kor u qaadidda qoondada haweenka, ayaa ku celiyay in haweenka oo ah laf-dhabarta bushada ay dalka soo samata bixiyeen xilligii ay dowalnimada naga burburtay.

Xasan Cali Khayre ayaa haeenka kula dardaarmay inay si dhab isugu xirnaadaan, sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta xaquuqdooda dastuuriga ah iyo samata bixinta dalka, bannaankana aysan ka joogin talada dalka si horumarka iyo badbaadinta jiilka dambe ay dowrka ugu fiican ugu yeeshaan.

Waxuu ballan qaaday inuu garab ku siin doono dadaalka ay ku jiraan, hadii uu ku guuleysto tartanka uu ugu jiro hoggaanka dalkana uu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada oo ugu yaraan loo gaarsiin lahaa 50% iyo in la ballaariyo qoondadooda oo la gaarsiiyo dhammaan hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -