Ciidanka Itoobiya oo bilaabay iney ka baxaan dhul ay muddo dheer xoog ku heysteen

Ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay inay ka baxaan deqaanada xadka labada dal ee horraan dagaalka horseeday, waxayna arrintani daba socotaa markii Eritrea iyo Itoobiya bishii July ee sannadka ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed.

Wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya waxay sheegtay in tallaabadan ay ka qeyb tahay dhaqan gelinta heshiiska labada dal ay ku soo afjareen colaaddii dhanka xadka oo ay kumanaan qof ku dhinteen.

Shan bilood kaddib markii hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadeed, wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya waxay xaqiijisay in ciidammada ay kasoo saari doonaan deegaannada xadka dhaca ee lagu muransanaa.

Dagaalkii labada dhinac ku dhexmaray Xadka toban sano ka hor ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 70 kun oo askari, wuxuuna ka mid ahaa dagaaladii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhacay geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -