Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarun dib u habeyn lagu sameeyay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray xarunta dhaxe ee waaxda Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar oo dib u habeen balaaran oo dhankaste ah lagu sameeyay.

Xaruntan  oo lagu soo kor dhiyay agabya casri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u fududeynayo helida adeegyada ay u baahan yihiin, waxaana xaruntan lagu sameeyay dib u hagaajin ballaaran.

Xaruntan ayaa kamid ah goobaha ugu mashquulka badan oo ay dowladda hoose ee Xamar ugu qidmeyso bulshada Caasimadda waxaana si maalin la ah u yimaada in ka badan kun qof, kuwaas oo ka kala yimaada degmooyinka Muqdisho.

Aggaasimaha waaxda dad dhigista Mudane Cabdirashiid Waddaadyare ayaa sheegay in muda kooban ay ku fuliyeen mashaariic waxtar leh oo ay kamid tahay dib udhiska xaruntan iyo in degmooyinka loo daadajiyay adeega warqadaha Dhalashada iyo Sugnaanta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay aggaasinka iyo howl wadeenada waaxda Dad-dhigista sida u hufnaanta leh oo ay dardargaliyeen horumarinta waaxdani.

Related posts

Deni oo ku laabtay Garowe & doorashadii xubnaha golaha shacabka oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha Mashaariic cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalada iyo duqeymaha culus ee ka socda Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---