Mareykanka oo Wafdi u diray Dalka Kenya oo ka taagan tahay khilaaf ka dhashay Doorashada

Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas ay ka jirto xiisad ka dhalatay doorashada Madaxweynaha uu ku guuleestay madaxweyne kuxigeenkii hore ee Kenya William Ruto.

Mareykanka ayaa wafdiga uu diray Kenya oo ah xubno katirsan koongareeska Mareykanka ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha la doortay ee Kenya ee Ruto iyo sidoo kale madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru iyo musharaxa laga guuleestay ee Raila Odinga.

Safiirka cusub ee Maraykanka u fadhiya Kenya, Meg Whitman ayaa sheegtay in wafdiga uu hoggaaminayo Sen. Chris Coons la kulmi doonaan madaxda dalka Kenya, si xal loogu helo khilaafka ka dhashay natiijada doorashada.

Madaxweynaha la doortay ee William Ruto ayaa ah madaxweyne ku xigeenka Kenyatta, laakiin khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay sannado kahor, waxaanaa Kenyatta doorashada ku taageeray Raila Odinga oo muddo dheer mucaarad ku ahaa.

Uhuru Kenyatta oo la safnaa Ra’ila Odinga ayaa wali ka aamusan natiijada doorashada ee la shaaciyay uu ku guuleestay ninka khilaafka kala dhaxeeyay, mana jiro ilaa hadda go’aano uu madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday kasoo sooray doorashada .

Dowladda Mareykanka ayaana isku dayeesa in ay xaliso khilaafka ka dhashay natiijada doorashada, waxaana suurto gal ah in Mareykanka ku cadaadiso Raila Odinfa iyo Madaxweyne Uhuru in ay qabalana natiijada doorashada ee la shaaciyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -