Halkan ka Daawo :Cadaalad darada iyo dulmiga ka jira Garsoorka Somalia

Garsoorka waa qeyb muhiim u ah Dowladnimada, waxaana lawada ogsoon yahay hadii garsoorku xumaado cadaaladana laga fogaado in ay xumaaneyso jiritaanka dowladnimada iyo amaanka.

Garsoorka Soomaaliya waxaa wali ka dhax jira cadaalad daro iyo dulmi baahsan, waxaana Maxkamadaha dalka qaarkood noqdeen kuwa ku shaqeeya laaluush kana fogaada cadaalada.

Muuqaalkan aan idin soo bandhigi doono hadaad wada daawataan waxaad ka ogaan doontaan cadaalada darada ka jirta garsoorka dalka iyo in aysan jirin maxkamado xukunkooda lagu kalsoonaan karo.

Sida aan ku daawan doonto Muuqaalkan garsoorka dalka ayaa u xukmiyay dhulkiisa Cabdulaahi Ibraahim Dhagety kadib markii Maxkmaada racfaanka iyo tan saraba ay ogaadeen in isagu leeyahay.

Gal dacwadeedka Maxkjamadaha la geeyo ayaa leh baratakool number iyo buuga diiwaanka , waxaaa sida muuqaalka ka daawan dontaan kooxda dhulka ku heesata Cabdulaahi Dhagey wadataa number aan sax aheyn oo ah kiis dambi ciqaabeed ah dil ah.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Cadaalada darada ka jirta Garsoorka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -