Allbanaadir.com
NEWS

RW Khayre oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Mudullood (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka Beesha Mudullood.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Agaasimayaal, Ganacsato, Dhalinyaro, Haween, iyo Nabadoonnada Mudulood.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Ra’iisal Wasaaraha ayaa warar ku dhow dhow waxay  sheegayaan in  la iska wareystay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda amniga, siyaasadda iyo qorshaha Xukuumadda.

Kheyre ayaa Odayaasha Beesha Muddulood uga warbixiyey qorshihiisa iyo xoojinta xiriirka leeyahay beeshan, wuxuuna u sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo, una arko inuu ka mid yahay iyaga albaabadiisuna u furan yihiin.

Waxaa uu sidoo kale warbixin ka siiyey odayaasha go’aano hore uga soo baxay hay’adaha dowladda oo ay cabasho ka keeneen odayaasha, isagoo u xaqiijiyey inaysan dhici doonin xadgudub lagu sameeyo hantida iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada.

Waxgaradka Beesha oo ay magacooda ku hadleen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Odayaal kale ayaa taageero weyn u muujiyey Ra’isal wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa, waxayna u caddeeyeen inay garab taagan yihiin yihiin.

Kulanka oo ahaa mid qado ahaa ayaa la isku dhaafsaday hadiadyo dhaqan iyo haddallo taageero ah.

Habeen hore ayey aheyd markii sidan oo kale Madaxweynaha uu kulan la qaatay duubabka dhaqanka Beesha Mudullood oo uu casuumaad u fidiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Awooda dagaalyahanadooda ku sugan Buuraha Galgala (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madax ka qeybgashay Salaada Janaasada Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo shaaciyay natiijada ka soo baxday howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---