Abshir Kaaraan oo maanta ka bad baaday Qarax la doonayay in lagu dilo

Waxaa maanta qarax miino magaalada Muqdisho lagula eegtay gaari uu la socday gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada Degmada Hiliwaa Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan).

Qaraxan oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Inta udhaxaysa isgooska SOS iyo shaneemo Cabdi Waayeel, waxaana qaraxan lagu doonayay in lagu dilo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga ee degmada Hiliwaa.

Abshir Kaaraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka bad baaday qaraxan la doonayay in lagu dilo, waxa uuna sheegay ciidamada amaanka in ay wadaan baaritaano ku aadan qaraxan cidii ka dambeysay.

Qaraxyada Miino ee lagu aaso hareeraha Wadooyinka ayaa maalmahan kusoo kordhaya Muqdisho, waxaana shalay subax qarax miino oo ka dhacay Laamiga Warshadaha lagu dilay askar katirsan ciidanka booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -