Faah Faahino kasoo baxaya Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho 

Qarax nuuca gaadiidka hoosa looga soo xiro ayaa goordhaw ka dhacay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan, waxaana qaraxan lasoo sheegaaa in uu khasaaro kasoo gaaray dadkii la socda gaariga qarxay.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in gaari yar oo nuuca raaxada ah uu ku qarxay xaafada Taleex, waxaana gaarigan la sheegay in ay ka socdeen labo qof oon la aqoonsan wali shaqsiyadooda.

Sida aan Wararka ku helnay waxaa qaraxan ku dhaawacmay labdii qofood ee gaariga saarnaa, waxaana loo qaaday dhaawacyada isbitaal ,iyadoona lasoo sheegayo in darwaalka gaariga uu dhaawac culus qabo.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad dugida ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, mana jiro wali wax faah faahin ah oo laamaha amaanka ka baxiyeen qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga soo xiro ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan inta badan waxyeelo gaarsiiyaan darawalada wada gaadiidka qaraxyada lagu soo xiro.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -