Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhagaha ka fureestay Baaqii Madaxweyne Qoor Qoor

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa talaadadii ugu baaqay xildhibaanada labada aqal ee lagu doortay deegaanada Galmudug in ay soo gaaraan magaalada Dhuusomareeb.

Baaqa Madaxweynaha Galmudug waxaa ajiibay inta badan xildhibaanada labada aqal ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb, waxaana xildhibaanada badankood shalay gaareen magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaana xalay casho sharaf ugu sameeyay Dhuusomareeb Xildhibaanadii ajiibay baaqiisa , waxaana Madaxweynaha Xildhibaanadan la yeeshay kulan ay uga hadleen arrimo kala duwan.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur sidoo kale kamid ahaa Xildhibaanadii lagu doortay Galmudug ayaa dhagaha ka fureestay baaqii Madaxweynaha Galmudug, waxa uuna Musharaxa ka baaqsaday in uu tago magaalada Dhuusomareeb.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi aad u mayal adag ayaan kamid aheyn xubnaha siyaasad ahaan taabcsan ama la dhacsan hab maamulka Madaxweynaha Galmudug uu ku tuhmayo in Farmaajo adeege u yahay.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo naftiisa isfahan badan kala dhaxeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey loogu qasbay in uusan is hortaagin in Xildhibaan noqdo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo beeshiisa si weyn u taageersaneed.

Xildhibaanada gaaray magaalaada Dhuusomareeb ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu kala hadli doono Madaxweynaha Galmudug, waxaana Xildhibaanadan isugu jiraan kuwa siyaasad ahaan iska soo horjeeda oo mucaarad iyo muxaafid isugu jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -