Mucaaradka Dowlada Soomaaliya oo maalmahan Warkooda la waayay

Waxaa maalmahan degan Siyaasada Soomaaliya ,waxaana warkooda la waayay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Dowlada Mucaarad ku ah kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay warkooda aan laga waayi jirin Warbaahinta iyo baraha bulshada.

Tan iyo waxii ka dambeeyay weerarkii ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid waxaa warkooda sii yaraanayay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada dowlada Mucaaradka ku ah.

Xubnaha mucaaradka ayaa inta badan ka faa’iideesan jiray khaladaadka dowlada ka dhaca iyo sidoo kale weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho oo u aheyd fursad ay ku dhaliilaan  Madaxda Dowlada.

Waxaa hada xiiso laheyn goobaha fadhi ku dirirka magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee siyaasada lagu lafa guro, xaalada ayaana hada ah mid caadi ah oon jirin wax sidaa dadka usii hadal hayaan.

Siyaasiyiinta Mucaradka ayaa waayihii ugu dambeeyay warkooda iyo dhaliisha dowlada kusoo koobay sadex qodob oo kala ahaa Dhiibistii Qalbi Dhagax, Weerarkii Guriga C/Raxmana Cabdishakuur iyo Weerarkii kale ee lagu qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -