Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga uu furmayo Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamanka Somalia oo la shaaciyey

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in 10-ka Bishan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka.

Xoghaayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishan.

Guddigan oo uu Guddoomiye u yahay Senator C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile iyo ku-xigeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macow ayaa diyaarinaya munaasabada furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka bishan.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka dalka, sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sida sharciga ah si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka jeedin dona khudbad dastuuri ah oo uu kaga hadli doono xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Putin oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan Gantaalada Difaacada hawada ee Patriot

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi iyo Wasiiradiisa oo ka hadlay Doorashooyinka iyo dooda Baarlamaanka UK (sawirro)

Cabdi Cade

Maxaad ka taqaan Tim Mynett, ninka cusub ee Ilhaan Cumar ay guursatay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---