Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Sudan oo qaadacay Shirka Nabadda ee ka socda Sacuudiga iyo hal arrin oo Sabab u ah

Ilo diblomaasiyadeed oo Sudanese ah ayaa sheegay inay hakiyeen inay ka qeyb galaan Wada-xaajoodyada Cusub ee ka socday magaalladda Jeddah ee Arrimaha Xabbad-Joojinta iyo sida Kaalmada Aadminimada loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Sudan.

Mas’uul ka tirsan Dowladda Sudan oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP inay Golaha Milliteriga qaateen Go’aankaasi, kadib, markii ay Ciiddanka Kooxda Gurmadka Degdega ee RSF  ka gaabsadeen Fulinta Qoddob ka mid ah Hindisaha Khaaska ee ku baaqayey inay Dagaalamayaasha RSF ka wada baxaan Isbitaalada iyo Guryaha Muwaadiniinta

Go’aanka ay Dowladda Sudan ku hakisay inay ka sii qeyb galaan Shirka Nabadda ee ka socda magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Wafuuda labada dhinac horey ugu heshiiyeen Xabbad-Joojin KMG oo socon doonta muddo 5 maalmood ah.

Wada-xaajoodka Nabadda ee lagu joojinayo Colaada Sudan oo ay Dhexdhexaadiyaal ka yihiin Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa waxa uu bilowgii bishan May ka furmay magaalladda Jeddah, iyadoo ay Ergada Dowladda Sudan iyo kuwa RSF ku heshiiyeen XJJ muddo kooban socotay.

Qalinka: Ustaad Nuradin Abuukar
Freelance Journalist, Mogadishu

Related posts

Warbixintii ugu dambeysay oo laga soo saaray xaalada cudurka COVID-19 ee Somalia

Caydiid Ali

Labo Diyaaradood oo ka qeyb qaatay Dagaalkii 2-aad ee Dunnida oo hawada iskula dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Tiktok oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Ruushka iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---