C/weli gaas oo dalacsiiyey Saraakiil hor leh oo ka tirsan ciidanka Puntland (Magacyada)

Madaxweynaha Puntland oo Dalacsiin U Sameeyey Qaarkamida Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa digreeto ka soo baxaday xafiiskiisa 12 December 2018 waxaa uu dalacsiin ugu sameeyey qaar ka mida Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr 212 ee 12 December 2018 kuna Saabsan Dalacsiin Saraakii ka tirsan Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontoodaa iyo khibraddooda shaqo.

Wuxuu Xeeriyey.

  1. Waxaa S/Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo dalacsiiyey S/Gaas
  2. Waxaa S/Guuto Cali Nuur Cumar loo dalacsiiyey S/Gaas
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhowaan ayey aheyd markii C/wali Gaas uu dalacsiiyey taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada daraawiishta iyo kuwa badda maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -