Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Gaas oo shaaciyay Ujeedka ay Somaliland usoo weerartay deegaanka Tukaraq

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si adag uga hadlay weerarkii xooganaa ee dhawaan ciidamo katirsan maamulka Somaliland kusoo qaadeen Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in weerarka Somaliland ujeedkiisu ahaa carqaladeynta munaasabad balaaran oo ka socotay magaalada Garawe iyo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ku joogo Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay taageeraan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira maamulka Puntland, waxa uuna weerarka Somaliland ku tilmaamay mid garab lagu siinayo kooxahaasi.

”Sidaa ogtihiin Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, weerarkii Maamulka Somaliland waxa uu gaashaan u yahay argagixisada aan dagaalka kula jirno” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya u diray fariin ahayd wixii ka dhasha weerarka Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadayo maamulkaasi, waxa uuna sheegay in weerarkaasi uu yahay daan daansi lagu hayo.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda uu sheegay in lagu soo qaaday weerar gardaro ah, waxa uuna tilmaamay in ay ka jawaabi doonaan weerarka lagu soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay weerarkii Isra’il ku qaaday Iran iyo sida warbaahinta uga hadleen

Cabdi Cade

Mareykanka oo $10 milyan dul dhigay Madaxa Maxamuud Cabdi Aaden

Caydiid Ali

TPLF oo qeylo dhaan u dirtay Beesha Caalamka xilli uu xaalka kusii xumaanayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---