Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo gaadiidka aysan rasaastu Karin ugu deeqay dowladda Somalia (Daawo Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta guddoomay 6 gaari oo  nooca aan Xabadda Karin ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa gaadiidkan ugu deeqday dowlada Somalia waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, taasoo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda dowlada Mareykanka.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidkan ugu tala galeen in lagu kaabo Wasaaradda difaaca Soomaaliya, si ay ugu qabato howlaha ay qabato.

Dhowaan ayay aheyd markii dowlada Maraykanku hakisay sahaydii ay siin jirtey ciidamada Milatariga Somalia kadib markii ay soo baxeen arrimo la xiriira wax isdaba marin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxyadii iyo Weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo canshuur cusub ku soo rogtay Ganacsatada Muqdisho

Caydiid Ali

Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas Xoogan oo la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---