AMISOM oo ka guuraysa Mid ka mid ah Xarumooda ugu waaweyn Muqdisho (Daawo Sawirro)

Madaxa Hoggaanka howl-gelinta Taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee Jaalle Siyaad, halkaasoo Fariisin Ciidan u ah Ciidamada AMISOM.

Ciidanka AMISOM ayaa dhawaan ka bixi doona  Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana Saraakiisha maanta kormeeray Xaruntaasi ay AMISOM kala hadleen siddii  loo dedejin lahaa qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta ah ay uga bixi lahaayeen Kuliyadda.

Saraakiisha ka socda Ciidanka Xoogga ee uu hoggaaminayey Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad kulan kula qaatay Madaxa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.

Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Maxamed Shiikh Madoobe oo idaacadda Codka Ciidamada la hadlay ayaa sheegay in Wakiilka  Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ay kala hadleen siddii Ciidamada AMISOM ay uga bixi lahaayeen Kuliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, si dib u dayactir loogu sameeyo.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya , Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in Horraanta Sanadka soo socda ee 2019 ay ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Amniga Xaruntaasi ay ku wareejinayaan Ciidanka Xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -