Banaan bax rabshado wata oo lagu taageerayo Mooshinka Farmaajo oo goordhaw dhacay (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhacay banaan baxyo rabshada wata oo lagu taageerayay mooshinka laga gudbiyay Madaweyne Farmaajo.

Qaar kamid ah shacabka magaalada Baydhabo ayaa isugu soo baxay banaan bax lagu taageerayay mooshinka Xildhibaano katiran golaha shacabka ka gudbiyeen Madaweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Banaan baxa ayaa sidoo kale lagu taageerayay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh , waxaana dadka banaan baxa dhigayay ay wateen boorar iyo sawiro lagu taageerayo Gudoomiyaha golaha shacabka.

Banaan baxa ayaa markii dambe isku badalay mid rabshado wata, waxaana is rasaaseyn khasaaro dhalisay dhax martay ciidamo ilaalo u ahaa dibad baxayaasha iyo ciidamo kale oo booliiska Baydhabo katirsan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkaaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -