Kulan Xasaasi ah oo hada ka socda guriga Gudoomiyaha golaha shacabka

Warar goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah xiligan uu u socdo Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Kulanka labada gudoomiye u socda oo ah mid albaabada u xiran yihiin ayaa ka socda guriga Gudoomiyaha golaha shacabka ka degan yahay xarunta Madaxtooyada, waxaana kulanka looga hadlayaa xiisada siyaasadeed ee taagan.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in lagu qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee hada taagan, waxa uuna kulamo la qaadanayaa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha golaha shacabka si uu arinta la isku hayo u galo.

Dhinaca kale Xildhibaano katirsan golaha shacabka ayaa sheegay in la xoojiyay go’doominta lagu hayo Gudoomiye Mursal, waxa ayna sheegeen Xildhibaanadan in gudoomiyaha loo diiday in uu gurigiisa kasoo baxo uuna tago xarunta Villa Hargeysa.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana waji cusub sii yeelanaya khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa dalka.

Waxii Warar ah ee soo kordha Isha ku hay Shabakada Allbanaadir

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -