Shiikh caan ah oo sheegay inuu dacwad ku soo oogayo Taliyaha ciidanka Booliska Somalia

Shiikh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyay is’hortaag ay ku sameeyeen ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Shiikh Soomow in laga celiyay ilaa labo bar kontrol oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo ka diiday inay ku ixtiraamaan aqoonsigiisa iyo aqoonta ay u lahaayeen dadka shacabka ah ee ka ag dhawaa goobaha lagu celiyay.

Taliya Booliiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan Xijaar ayuu sheegay inuu la xariiray markii loo diiday in uu ka soo gudbo baraha koontorool ee wadooyinka Sanca iyo Jardiinka, balse waxaa uu xusay in taliyuhu ugu jawaabay inuusan xaq u laheyn inuu la soo xiriiro cabasho noocaas ah ahna ula yimaado isagoo ah taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shiikh Soomow ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday jawaabta uu kala kulmay taliyaha booliiska Soomaaliya, sidaa darteedna uu dacwad ka gudbinayo maxkamadna la korayo.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hadalka Shiikh Soomow, qaarkood waxay sheegeen iney fiicneyd in taliye xijaar uu si wanaagsan ula hadlo maadaama uu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed, halka qaar kale ay Shiikh Soomow ku dhaliileen iney qalad aheyd taliyaha inuu arin noocaas ah ula xiriiro, maadaama jidadka in la xiro ay ka tahay Muqdisho wax iska caadi ah oo shacabka kale uu kal siman yahay, loona baahnaa haddii loo diiday jid inuu jidad kale iska raadsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -