Allbanaadir.com
NEWS

Xafladii Dabaaldega 8da Janaayo ee caawa ka dhici laheyd Garoowe oo la baajiyey

Maamulka Puntland ayaa baajiyey caawa xaflad weyn oo loogu degaaldegi lahaa Munaasabada 8da Janaayo oo ku beegan sanadguuradii afaraad ee ka soo wareegtay markii uu talada Maamulkaas qabtay Cabdiweli Gaas.

Xafladan oo muddo dheer la soo qaban-qaabinayey, laguna qaban lahaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ayaa baaqatay ka dib amar uu soo saaray Madaxaweyne Gaas sababo la xiriira xaalada dagaal ee Puntland ka soo wajahday Somaliand.

C/wali Gaas ayaa sidoo kale la sheegay inuu guddi u magacaabay dagaalka maanta ka dhacay degaanka Tukaraq.

Xaflada caawa la baajiyey oo aheyd mid weyn ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdiga uu horkacayo oo maalintii labaad booqasho ku jooga Magaalada Garoowe.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa maanta dagaal ku qabsaday degaanka Tukaraq oo gobolka Sool kaasoo ka mid ah degaanada xadka ee labada dhinac ay ku muransan yihiin, waxaana jirta xiisad weyn oo arintaas ka dhalatay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo qalqaalo ugu jira in weerar lagu qaado xarumaha Nukliyeerka Iran

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo bogaadiyay Guddiga Doorashooyinka

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ganacsato kasoo jeeda Galmudug (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---