Madaxweyne Farmaajo oo beri safar dhulka ah kaga ambabxaya Magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Maalintii labaad booqasho ku jooga Magaalada Garowe ayaa lagu wadaa inuu beri subax safar dhulka ah kaga ambabaxo halkaas.

Farmaajo oo ay wehliyaan wafdiga dowlada iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sii raaci kolonyo gaadiid ah, waxayna safarkooda ugu horeeya ku tegi doonaan magaalada Qardho, iyagoo ka dibna uga sii gudbi doona magaalada dekeda ah ee Boosaaso.

Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la sheegaya in loo diyaariyey kuwaasoo sii raaci doonaan wufuudab iyagoo sugaya amaankooda.

Diyaar garow xooggan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha iyo wafuuda la socota ayaa laga dareemayaa Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, iyadoo amaanka si weyn loo xoojiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ka hari doono safarka Madaxweyne Farmaajo oo markii hore qorshuhu ahaa inuu raaco sababo la xiriira la socodka xaaladaha dagaal ee Puntland kaga furan Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -