Talaal loo helay cudurka COVID-19 & muran ka dhashay cida ugu horeysa ee laga iibinayo

Faransiiska ayaa sheegay inaysan wax la aqbali karo ahayn” in shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Sanofi ay mudnaanta koowaad siiso suuqyada Mareykanka haddii ay soo saarto tallaalka dawada u ah cudurka Covid-19.

Xukuumadda Paris ayaa ka jawaabeysay hadal uu jeediyay agaasimaha guud ee Sanofi, Paul Hudson, oo sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay tan ugu weyn ee lagu tixgalin doono dalabaadka horay loo sii dhiibanayo ee ku saabsan tallaalkaas, maadaama ay iyadu maalgalin u sameysay, khatartana u bareertay”.

Ra’iisul Wasaare Edouard Philippe ayaa sheegay in qodobka ku saabsan in dawadaas aan la kala xigin uu yahay mid aan laga gorgortami karin”.

Tallaallada noocan ah ayaa sida caadiga ah lagu soo saaraa muddo sannado gudahood ah.

“Annagu ma aqbali karno iney jiri doonto cid si gaar ah loogu tixgaliyo arrintaas iyo waddan loogu qaddarin doono dhaqaale ahaan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka maaliyadda ee Faransiiska, Agnès Pannier-Runacher, oo la hadlayay idaacadda France’s Sud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagana goor dambe bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in tallaalkaas helitaankiisa uu caalamka oo dhan u sinnaan doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -