Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Dr. Kofi wuxuu mudan yahay in laga raaligeliyo falkii lagula kacay”

Waxaan diidanahay oo aan si cad uga soo horjeednaa fal dembiyeedyada ay dowladdu kula kacdo siyaasiyiinta iyo saraakiisha mucaaradka ku ah madaxda dowladda, iyadoo xiligaan la gelayo abaabul iyo ololaha doorashooyinka, haddii ay taasi dhacdana waxaa siyaasad ahaan ay u muuqaneysaa bartilmaameysi kala maan duwanaasho salka ku haya xili la isku diyaarinayo doorashooyinka dalka ka dhacaysa dhowaan. Madaxda dowladda ha ka bixiso raali gelin, masuuliyiintii falkaas geysatana cadaaladda ha la horkeeno.

Mudane Dr. Kofi wuxuu mudan yahay in raaligelin laga siiyo fal dembiyeedkii abaabulnaa ee lagula kacay hoyga uu degen yahay oo waxyeeleynta amnigiisa loogu hanjabayey. Dhamaan saraakiisha rayidka iyo ciidanka marka ay hawlgab noqdaan ama xilka laga wareejiyo waxey dowladda xaq ugu leeyihiin daryeel, waxaana kow ka ah daryeelkaas hooy sugaya amnigooda. Haddii ay dowladu ku adkeysaneyso ineysan daryeeleyn saraakiishada dalka mudada dheer u soo shaqeeyey, markaas waxaa dowladda la gudboon iney bixiso xuquuqdooda lacageed ee hawlgabka ama shaqo ka fadhiisinta, taas oo laga yaabo iney ku kacdo malaayiin Dollar. Madaxda dowladda ha xakameyso saraakiisheeda weyraxsan oo sharciga iyo haykalka dowladda dhinac marsan.

Dowladdii Kacaanka milateriga ayaa naceybkeeda kowaad wuxuu ahaa saraakiisheeda sarsare oo intooda badan lagu dili jirey dilal qorsheysan, xabsi dadnimadooda lagu bahdilayey, iyo daryeelxumo macishadeed oo lagu badayey cudur iyo maandooriye sumcadooda lagu lagu wayeeleeyo.

Gaboodfalkaas oo dhan waxaa sababay qurafaadka sixirooleyaasha iyo sharwadeyaasha ay ugu sheegayeen kelitaliyaha kaacaanka in xukunka kursigiisa ay ka tuuri karaan oo keliya saraakiisha ciidanka, waxaana qeyb ka ahaa dagaalkii 77 in lagu laayo saraakiisha aqoonta durugdan u llahayd aqoonta Cilmiga Milateriga. Sidaas oo ay tahay ayaa Xukunkii milateriga wuxuu dejiyey saraakiisha ciidanka guryo ay degenaadaan iyagoo xil haya ama aan xil hayn ama hawlgaba ama ahaa kuwo gadoodsan, waxaana taas keentay daraasaad la sameeyey dhinaca daryeelka saraakiisha ciidanka oo tilmaamayey in guri iyo mushaar hawgaba oo bil ah in la siiyo, meesha ay ka gudbeen in lacagta hawlgabka oo isku duuban la siiyo, taas oo ku saleysan sannooyinka sarkaalku soo shaqeeyey iyo magdhow lacageed oo cabireysa naafo ama dhaawac maskaxeed ama mid jir.

Madaxda dowladda waa iney ka gudbtaa ficiltanka ay kula xifaaltameyso saraakiisha dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, ma jirto sharciyad aan falaago ahayn oo lagu bartilmaameysto amniga saraakiisha iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana mudan in saraakiisha ciidanka laga ilaaliyo in cadow looga dhigo dalkii ay mudada dheer u soo shaqeynayeen oo inta xilalkii laga qaaday oo laga dhigay hawlgab in hadddana amaankoodi iyo noloshoodii gabaabsi laga dhigo.

Waxey ficiladaas ay ka turjumayaan liidasho maanxumo hogaamineed iyo gunimo damiir xumo shaqsiyadeed oo heerkeedu liito, sidaasdaradeed haddii madaxda dowladda muddo xileedkooda ay ka maarmeen saraakiisha, ha ogaadaan in saraakiishu yihiin siyaasiyiinta milateriga, dalkuna u baahan yahay mustaqbalka iyo dowladaha dambe ee soo socda iney u noqdaan cudud kala hogaamiya ciidamada qaranka.

Waxaa jirta maahmaah dhaheysa: Haddii mukulaal ay dooneyso iney noqoto hogaamiye heybad leh marka hore ha ka tanaasusho iney ku mashquusho eryeshada iyo damaca ay ku dooneyso cunista madax dooli. Maahmaah kale oo lahjada Maay ah ayaa leh: Sagaaro miyirkeeda qabta masaajib boon ma soo aadeyso. Madaxda dowladda laba damac mid ha deyso, madaxtooyadana yeysan ka dhigin Masaajid Boon oo ay dadku ka irdhoobaan.



Said Issa Mohamud (Sacim)
Maine, USA

 

Related posts

War Murtiyeed laga soo saaray Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Isaias Afewerki

Cabdi Cade

Wadahadalo u socday Sacuudiga iyo Qatar oo fashilmay iyo Xog ku aadan Sababta

Caydiid Ali

In ka badan 60-sargaal oo katirsanaa dowlada Itoobiya oo xabsiyo lagu guray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---