Allbanaadir.com
NEWS

Falanqeynta kulankii Mucaaradka Samatabixinta iyo Madaxweyne Xassan Sheekh

Kulanka shalay  dhexmaray Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Xassan Sheikh wuxuu ahaa mid aad loogu dheg taagayay, waxaana ka soo baxay heshiis ajendaha wada hadalka labada dhinac, kana kooban 4 qodob, iyo raadinta mas’uuliyin ka maqan wada hadalka iyo ballan shirka looga wada hadlayo ajendaha.

Taagerayaasha Warmurtiyeedka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed soo saartay 31 Maajo 2025, waxay rajeynayeen saddex arrimood:

1. In wada hadalka lagu qabto meel ka baxsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya;
2. In aan la oggolaan sawirro ka baxsan fadhiga;
3. In wada hadalka ku dhaco hab la is hordadhiyo.

Sababta arrimahaas muhiimka u ahaayeen waxaa ka mid ah:

1. In Madasha eedeysay, cambaareysay, una digtay Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xassan kaddib markii uu halis geliyay jiritaanka Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya;

2. In mucaaradka matalayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka welwelsan mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo kuwa dhibaatada ka soo gaartay ku takrifalka awoodda dowladda;

3. In Madaxweyne Xassan dhaqan dowladeed ka dhigay kulammo “la tashi ii dheh ah” iyo sawirro bogga Villa Soomaaliya la soo geliyo, ayadoo aan la dooneyn wax talo ah ama aan la dhawreyn dhaqan dowladeed.
Talooyinka maanta miiska saaran waxay saarnaayeen 2022.

Sawirrada cajiibka ah ee baraha bulshada la soo geliyay waxaa ka mid ah sawir xubnaha Madasha iyo Madaxweyne Xassan iyo xubno Dowladda federaalka isaga qaadayaan iridda Xafiiska Madaxweynaha sidii koox tababar ama shir shaqo u dhammaaday, taaso ah farrin loo dirayo beesha Caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed in eedihii iyo cambaareyntii Madasha macno ku fadhin sida uu hadda ka hor Madaxweyne Xassan fagaaro uga sheegay in Xubnaha Madasha iyo Asaga ay leeyihiin xiriir.

Marka la fiiriyo Ajendaha, waxaa la odorosayaa in fasiirado kala duwan ka soo bixi doonaan, madaama hadafka Madaxweyne Xassan yahay marinhabaahinta iyo afduubka siyaasadda dalka. Tusaale ahaan, inkastoo madasha iyo bulshada inteeda badan caddeeyeen in wax ka beddelka 4 cutub ee dastuurka kmg oo ujeedo gaar ah laga ahaa ay halis ku tahay midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka iyo geedi socodka dowlad dhiska, haddana waxaan shaki ku jirin in howlaha loo cuskanayo wax ka beddelka 4 cutub ee Guddiga doorashada wado ay soconayaan.

Dhaqanka hagardaamiyaha waxaa ka mid ah “ dholla caddeyn iyo soo jiidasho ku hoos qarsoon tahay khiyaano iyo ujeedooyin gurracan.” Marna horey looma arag u hiilinta danta guud iyo tixgelinta dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo.

Madasha kuma habbooneyn inay qaadato ama dusha saarato doonista Mas’uuliyiinta ka maqan wada hadalka, waayo madaxda dowlad goboleedyada maqan waxay leeyihiin duruufo u gaar ah. Tallaabada furan waxay tahay in Madaxweyne Xassan ka jawaabo shuruudaha miiska saaran si loo furo albaabka wada hadalka.

Haddii Madaxweyne hore Farmajo yahay mucaarad ka soo horjeeda hogaaminta Madaxweyne Xassan, waxaa habboon inuu Madasha mucaaradka ah wax la wadaago walow aan maqlay in la is qaadan kari la’yahay. Arrinta Madaxweyne Sicid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waa mid gooni u taal.

Madaama dalku ku jiro dhammaadka muddo-xileed iyo qalalaase siyaasadeed halis ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya waxaa muhiim ah in wada hadalka dowladda federaalka iyo Madasha lagu saaro diiradda ka heshiinta hab doorasho heshiis lagu yahay iyo hirgelinteeda. Dowladda Federaalka waxay lumisay fursado ay wax uga qaban kartay midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, dhammeystirka dastuurka kmg iyo ciribtirka argagixisada oo ah mas’uuliyado loo wakiishay, haseyeeshe ay ku fashilantay.

Dastuurka kmg, go’annada Golaha Ammanka Golaha ee QM, qorshayaasha iyo heshiisyada dhexmaray Dowladda federaalka iyo beesha Caalamka, Bankiga Adduunka, Hay’adda lacagta Addunka, Bankiga Afrikaanka, Qarammada Midoobay, Midowga Yurub, lifaaqa Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27 May 2021 iyo Warmurtiyeedka 12 Juun 2022 wxaa ku cad waajibaadka, baahida, ku baraarujinta tubta iyi jadwalka dedejinta dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Haseyeeshe marna dowladda federaalka ee madaxweyne Xassan sheikh ma raacin tub toosan ee dowlad dhiska. Sidaa darted, dowladda federaalka ma haysato kalsooni iyo waqti ay arrimaha ajendaha wax uga qaban karto.

Madasha waa inay isku koobtaa samatabixinta dalka oo ay asaas u tahay joojinta howlaha kala irdheeyay bulshada ee ka dashay wax ka beddelka dastuurka kmg, musuqmaasuqa, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada muwaadiinka Soomaaliyeed, iyo ka bixidda hubanti la’aanta doorashada waqtigeeda dastuuriga ah la sugayo.

Dal aan xag qaran, dowlad goboleed, gobol, iyo degmo aan ka mideysneyn, is raacsaneyn, shabaab ka taliyo dhul ballaarran lagama qaban karo doorasho Qof iyo Cod. Isla marka doorasho 4.5 ku dhisan laguma hirgelin karo hab xisbi iyo Qof iyo Cod. Soomaaliya waxay u baahan dood wadanninimo iyo dowlad sharciga u hogaaminayo si loo hirgeliyo doorasho Qof iyo Cod. Soomaaliya waa taqaan halista ku duugan doorasho Qof iyo Cod.

Xalka lama huraanka ah waa doorasho dadban oo lala kaashanayo Qarammada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo Jaamadda Carabta si xor iyo xalaal looga hirgeliyo. Madaxweyne Trump wuxuu adduunka u sheegay in Soomaliya ka jirin dowlad ee ay tahay dal fashilay. Inta badan, Madaxda Adduunka waxay qabaan ra’yigaas.

Soomaaliya waxaa ka lumay waqti dheer oo xaaladdeeda wax ka beddeli kartay hoggaan xumo darted.

W/Q Dr Maxamuud Culusow

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yuusuf Dabageed oo ammar siiyay Saraakiisha ATMIS iyo kuwa booliiska (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Dhuusomareeb kadib iska hor imaadkii ka dhacay

Cabdi Cade

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhaxe ee G/Banaadir oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---