Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Sare ee dalka oo ka qeyb galay xuska 26-ka Juun (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo madax kale ayaa caawa Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar uga qeybgalay Munaasabadda 65 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobalada Waqooyi Xorriyadda qaateen.

Munasaabadda, oo qeyb ka ah todobaadka xorriyadda oo sannadkan si weyn loogu diyaargaroobay, ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirro, Xildhibaano iyo qeyb kala duwan ee Bulshada, waxaana laga jeediyay khudbado kala duwan oo ku saabsanaa taariikhda midnimada iyo halgankii la soo maray.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Dr Muungaab ayaa furay Munaasabadda, waxa uuna sheegay in 65 sano ka dib ay maanta Shacabka Muqdisho safaf dhaadheer ugu jiraan isdiiwaangelin doorasho Qof iyo Cod, taas oo ka dhigan horumar dhanka dawlad-dhiska iyo xoojinta qarannimada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo ku aaddan munaasabadda u diray bulshada Soomaaliyeed ayaa  sheegay in la joogo xilligii dadka Soomaaliyeed xoojin lahaayeen midnimada, wadajirka iyo hannaanka dhismaha Qaranimo sal adag leh.

“65 sano ka dib waxaa lagama maarmaan ah inaan hoosta ka xariiqno midnimo la’aanta na haysata, qabyaaladda iyo kala qoqobka, wixii naga qaldamay aan saxno, fakar fiican iyo caqlina aan la imaano”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in halgankii ay hormuudka ka ahaayeen haldoorkii Soomaaliyeed ee horseeday xorriyadda uu ahaa mid dhiig iyo dadaal badani ku baxay, wuxuuna xusay in xornimadaasi ay gogol u dhigtay yididiiladii midnimada Soomaaliyeed ee keentay in 1-dii Luulyo ay midoobaan gobolada Woqooyi iyo Koonfur, si loo yagleelo Jamhuuriyadda Soomaaliya.Gabo-Gabadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Waqooyi isagoo sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta midnimada waxa uuna sheegay in qalad kasta oo dhacay ay ka cudur daareyso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in 30 sano kadib ay muuqato in midnimo la’aan wax horumar ah la gaari karin, waxa uuna amaanay shacabka iyo siyaasiyiinta ku faro adeegay midnimada iyo wadajirka dalka.

Dhammaan madaxdii caawa ka hadashay Munaasabadda loogu dabaal dagayo 26-ka Juun ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay horumarro badan oo dhanka dhaqaalaha, amaanka, dagaalka Argagixisada, dhismaha ciidamada iyo horumarinta kaabayaasha Bulshada ah, islamarkaana ay hadda socdaan qorshayaal kale oo muhiim ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Mareykanka oo duqeeyey Markab laga leeyahay Turkiga

Caydiid Ali

Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka & isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad”

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo caddeeyay Mowqifkiisa Shirka uu ku baaqay Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---