Xukuumadda Puntland ayaa markale ku eedaysay madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay burburin ku wadaan hanaanka federalka ah ee dalku qaatay, kadib jamhuuriyadda saddexaad ee Somaliya.
Wasiirka deegaanka xukuumadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in madaxda DFS looga fadhiyey dhismaha hay’ado ka shaqeeya horumarinta federalka iyo isku haynta bulshada, haseyeeshee ay qaadeen waddo ka duwan.
Waxa uu sheegay in madaxda xilligaan iyo kuwii hore ee DFS ay burburiyeen hay’adihii, dastuurkii iyo haykalkii federalka si ay dalka dib ugu celiyaan dowladdii dhexe ee dhibteeda wadanku u soo burburay, sida uu hadalka u dhigay.
“Halkii laga filayey inay dhisaan hay’adihii federalka ahaa waxay bedelkeeda burburiyeen kuwii jirey si dalka dib loogu celiyo dowladdii dhexe ee soo burburisay qaranka, waxaa intaas dheer in dastuurkii lagu heshiiyey wax laga bedeley iyadoo aan loo marin waddo sharci ah”, Ayuu yiri wasiir Faroole.
Khilaaf meel xun gaaray ayaa wali u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland, khilaafkan ayaana keenay in dowladda Federaalka Soomaaliya xayirto masharaiic dhoor ah oo laga fullin lahaa deegaannada maamulka Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com