Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii guutada Khatam Al-Anbiyaa oo la xaqiijiyay in uu geeriyooday

Dowladda Kacaanka Iran, ayaa saraakiil ciidan oo sar sare ku weysay dagaalka in ka badan isbuuca socday ee la gashay maamulka Israa’iil, waxaana sii kordhaya tirada saraakiisha muhiimka ah ee duqeymaha Israa’iil gudaha Iran ka fulisay lagu dilay.

Warbaahinta Iran qaarkood, ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday taliyihii guutada Khatam Al-Anbiyaa ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan , Jen. Cali Shadmani, taliyaha ayaana la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo maalmo kahor kasoo gaaray duqeyn Israa;’iil fulisay.

Jen. Cali Shadmani, ayaa loo magacaabay si deg deg in uu noqdo taliyaha  guutada Khatam Al-Anbiyaa 13 kii bishan June, kaddib markii Israa’iil ay maalintii koowaad ee duullaanka ay ku qaaday Iiraan ku dishay taliyihii isaga ka horreyay ee Jen.Gholam Ali Rashid.

Taliyahan geeridiisa la xaqiijiyay ayaa ahaa sargaal derajo sare iyo tayo badan lahaa, waxa uuna kamid ahaa saraakiishii dallacaada ku helay dagaalkii Iran la gashay Ciraaq, waxa uuna door muhiim ah hadda ku lahaa dagaalka Iran kula jirto Israa’iil.

Guutada Khatam al-Anbiya, ayaa ah cutubka ugu sarreeya ee difaaca istaraatiijiga ah ee Iiraan. Guutadan ayaa hoostagta ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, waxaana loo xilsaaray ilaalinta xarumaha nukliyeerka, saldhigyada cirka, iyo nidaamyada gantaallada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kumandoska Gorgor oo qaaday talaabo si weyn loogu amaanay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Sir Philip Barton (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Ergayga Madaxweynaha & Xoghayaha Guud ee J/Carabta? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---