Allbanaadir.com
NEWS

War-Murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

War-murtiyeed ka kooban 11 qodob, ayaa laga soo saaray shir wadatashi ah oo magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland ku yeesheen Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Labada Madaxweyne, ayaana  si adag uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxa ay sidoo kale ugu baaqeen madaxda maamulada kale ee dalka ka jira in ay qabsadaan doorashooyinka golayaasha.

Madaxda  Puntland iyo Jubbaland, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ixtiraamo Dastuurka lagu heshiiyay 2012-kii, sidoo kale ilaaliyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed uuna dhageesto baaqyada kasoo baxaya masuuliyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso war-murtiyeedka ay soo saareen madaxda Jubbaland iyo Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shuruudo adag oo lagu xiray Wadahadalo mar kale u furma Soomaaliya iyo Somaliland

Cabdi Cade

Sheekh Zakir Naik oo laga mamnuucay in Wacdi ka jeediyo Dal Muslim & Sababta keentay

admin

Madaxweyne kuxigeen Aabihiis Madaxweyne yahay oo Habeenkii Hotel ku jiifta 50-Kun Dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---