Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka.
Labada dhinac ayaa ka dooday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qodoba ay ku jiraan dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta hannaan doorashooyinka qof iyo cod ee lagu muransan yahay, kuwaasi oo ay Villa Somalia riixayso.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga go’an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Mucaaradka iyo madaxda DF ayaa isku maandhaafsan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka bedelka dastuurka, lamana oga natiijada ka soo bixi doonta kulankan
HOOS KA DAAWO SAWIRADA