Haweeney 92-sano jir ah oo dishay Wiilkeeda iyo sabab yaab leh oo ka dambeysay (Sawirro)

Dalka Mareykanka  waxaa maalin kahor ka dhacday dil argagax iyo layaab ku abuuray dad badan , kadib markii haweeney 92-sano jir ah toogasho ku dishay wiil ay dhashay oo isna 72-sano jir ahaa.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay Anna Mae Blessing oo 92-sano jir ah ay dil bareer ah u geesatay wiilkeeda kadib markii ay ka cabsatay in uu guriga ka saaro uuna geeyo xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelada ah.

Haweeneydan ayaa guri kuyaala gobolka Arizona kula nooleed Wiilkeeda ay dishay iyo haweeney saaxiib la aheyd wiilkeeda, waxa ayna ka walaacsaneyd islaantan in guriga uu ka saaro wiilkeeda.

” Nafeeda ayaad damacday in aad qaado ana taada ayaan qaaday ” ayey tiri Anna Mae Blessing xili ciidano katirsan booliiska ay ka wadayeen guriga ay dilka ugu geesatay wiilkeeda.

Dhacdadan ka dhacday dalka Mareykanka ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, waxa ayna arintan muujineysaa sida waayeelo badan oo kunool dalkaasi aysan u jecleyn in la geeyo goobaha lagu xanaaneeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -