R/Wasaare Jacinda oo diiday in ay ku dhawaaqdo magaca ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Ra’isul Wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern oo khudbad u jeedineysay Baarlamaanka dalkaasi ayaa mar kale si kulul u cambaareesay weerarkii lagu dilay Muslimiinta badan ee Jimcihii ka dhacay masaajidyo kuyaala dalka New Zealand.

Jacinda Ardern ayaa shaaca ka qaaday in ninkii ka dambeeyay weerarka oo u dhashay dalka Australiya uu doonayay arimo badan ay kamid tahay in uu caan ka noqdo dunida oo magaciisa la sheeg sheego.

Waxa ay sheetay Ra’isul Wasaaraha in aan marnaba afkeeda laga maqli doonin magaca ninka dambiilaha ee weerarka geestay, waxa ayna ninkaasi ku sifeesay in uu ahaa argagaxiso ,xagjir dambiile ah.

“Waxyaabo badan ayuu ku raadinayay falkiisa argagixisanimada ah, balse mid ka mid ah waxay ahayd inuu caan noqdo, waana taas sababta aydaan waligiin iiga maqleynin anigoo sheegaya magaciisa, waa argagixiso, waa dambiile, waa xagjir. Ku dhawaaqa magacyada dadkii halkaas naftooda ku waayay intii aad xusi lahaydeen magaca ninkii laayay”, ayey tidhi Ms Ardern.

Ninkan cunsuriga ah ayaa weerarkii uu jimcihii ka geestay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand waxa uu ku dilay dad muslimiin ah oo gaaraya 50-ruux halka uu ku dhaawacay tiro kale oo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -