Xildhibaan dilal ku eedeesan oo xarun baarlamaan laga dhax xiray (Daawo Sawirada)

Xildhibaan katirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Ruushka ayaa  xasaanada laga qaaday kadibna xabsiga la dhigay, kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dil loo geestay labo ruux.

Rauf Arashukov oo sanadkii 2016-kii Xildhibaan noqday ayaamaanta  la xiray xili uu ku jiray xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka dowlada Ruushka, waxaana gudaha xarunta ugu tagay ciidano gaar ah kuwaa oo isaga oo jeebeesan  gaari ku ritay.

Rauf Arashukov ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dil labo qof oo caan ah sanadkii 2010-kii loogu geestay magaalada Cherkessk, oo ah caasimadda gobolka Karachay-Cherkessia ee dalka Ruushka.

Xildhibaankan la xiray oo 32-sano jir ahaa ayaa aqalka sare ee Ruushka ku matalayay maamul goboleedka Karachay-Cherkessia, waxaa lagu eedeenayaa in uu qeyb ka ahaa Qandaraas lagu dilay labo ruux oo caan ka ahaa Karachay-Cherkessia.

Baarayaasha ayaa ku tuhmaya in Xildhibaanka ku lug lahaa dilka Aslan Zhukov, oo ahaa hoggaamiyaha dhaqdhaqaaq dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Adyge-Khase iyo sidoo kale Fral Shebkhuzov, oo la taliye u ahaa madaxweynaha gobolka Karachay-Cherkessia.

Mr Arashukov ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dambiyo kuwaas ka duwan oo la sheegay inuu geystay, sida ay boggooda internet-ka ku qoreen guddiga baaritaannada dambiyada ee dalka Ruushka.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa sidoo kale tabineysa Xildhibaankan katirsanaa Aqalka sare ee dalkaasi dambiyada loo heesto ay ku jiraan in uu isticmaalay warqado been abuur si uu u noqdo Senetor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -