Allbanaadir.com
NEWS

Sida u dhacay weerarkii Gaza ee askarta looga laayey Israel?

“Subax xanuun badan oo aan ogaanay dilka askarteena dagaal ka dhacay Khaan Yoonis”, sidaas waxaa yiri madaxweynaha Israel Isaac Herzog oo ka hadlayey weerarkii qorsheysnaa ee ay muqaawimada Gaza shalay ku qaaday ciidankii Israel ee ku sugnaa magaalada Khan Yoonis, kaasoo sababay dil loo geystay hal sargaal iyo 6 askar, sidoo Kalana waxaa weerarkaas ku dhaawacmay 16 kale sida ay qiratay Israel inkastoo wararka qaar khasaaraha ay intaas aad uga badinayaan.

Isaac Hertzog ayaana sidoo kale xaalada Gaza ka taagan ku tilmaamay “Xaalad aad u adag, dagaalada ay wali socdaan, culeyskana aanan la xamili Karin”.

Hogaamiyaha Mucaaradka Isra1l Yair Lapid wuxuu dhankiisa sheegay iney u tahay “Subax aad u dhib badan iyo musiibo weyn oo shalay dhacday taasoo galaafatay 7 kamid ah nolosha askarteenii ku sugneyd waqooyiga Gaza”.

SIDEE WAX U DHACEEN?

Idaacadda ciidanka Israel waxay sheegtay in shalay shanti galabnimo iyo bar ay la kulmeen warkii ugu horeeyay ee la xiriiray xaalada weerarka lagu soo qaaday ciidanka Yuhuuda, kadib markii gaari nooca gaashaaman looguna talo galay inuu askarta daabulo uu dab xoogan ka kacay, warbixinta idaacadda ayaana waxay ku sheegtay in mid kamid ah muqaawimada Falastiiniyiinta uu u soo dhawaaday gaariga kadibna uu ku xiray miino, arintaasoo sababtay in gaarigii qarxo kadibna dab culus ka kaco.

“Waxaa goobta looga wacay ciidanka dab damiska Milatariga Israel, waxayna juhdi badan ku bixiyeen sidii ay u damin lahaayeen dabka gaariga ka kacaya balse howshii daminta dabkaas ayaan waxba tarin, intaas kadibna waxaa goobta la keenay Cagaf nooca D9, wuxuuna cagafkii gaarigii gubanaayay ku daboolay ciid si u dabka u damiyo, balse isku daygaas mar kale wuxuu ku dhamaaday fashil, oo ciidii iyo biyihiiba dabka wey damin waayeen.

Askartii gaariga ku dhex jirtay wali waa noolyihiin, badbaadana wey heli karaan balse waxaa la damin waayay dabkii arintaasoo sababtay iney gudaha gaariga ku basbasaan.

Ayadoo xaalku sidaas yahay waxay hadana go’aansadeen in gaarigii gaashaanaa ee gubanaayay iney goobta ka jiidaan, hase ahaatee waxaa goobta uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay ka dib markii askartii isku dayaysey iney wax badbaadiyaan ay dhexda u galeen ciidankii iska caabinta ee Gaza.

Ciidanka Israel ayaa gaarigii jiiday isagoo wali holcaaya, markii hore waxaa jiidmo lagu geeyay laamiga Salaaxu-ddiin, kadibna waxaa looga sii gudbiyay Gaza dibadeeda.

Sida ay idaacadda ciidanka Israel xaqiijisayna gaariga waa la damin waayay gabi ahaantiisba intuu uu ku sugnaa dhulka Gaza, balse markii laga saaray Gaza isla markaana deegaanada Yuhuuda heystaan la geeyay ayuu damay, waxaa loo wacay ciidanka badbaadada diyaaradaha Helikabtaradda, markey imaadeena uma aysan imaanin hal askari oo la badbaadin karo, dhammaantoodana gudaha gaarigii gaashaannaa ayay ku dhex gubteen.

Idaacadda ciidanka Israel oo sheekada bilow ilaa dhammaad tabineysay ayaa warkeeda ku soo xirtay in meydadka askarta 7da aheyd ee Meesha ku dhimatay ay qaadatay muddo saacado ah in la aqoonsado gubashada awgeed markii la ogaadayna waxaa xogtooda lala wadaagay qoysaskoodii xalay saq dhexe.

Dhankan muqaawimada oo wali wada iska caabinta kor u dhaaftay mudada 600-da boqol ee maalmood waxay qeybtooda warbaahinta sheegeen in dagaalyahanadooda ay shalay fuliyeen weerar qorsheysan kadib markii ay beegsadeen cudud ciidan oo Israel ah, weerarkaas ayayna sheegeen inuu sababay dhimasho iyo dhaawac cadowga soo gaaray.

Weerarkaan shalay yuhuuda lala beegsaday ayaa wuxuu ku soo aaday xili uu shalay soo dhamaaday dagaalkii Iran iyo Israel, waxayna Israel dooneysay iney usoo jeesato dhanka Gaza isla markaana xooga saarto dagaalka ay kula jiraan muqaawimada Gaza, waxayse la kulmeen xasuuq kale oo ciidankooda shalay loo geystay.

Related posts

Booliiska Garawe oo bilaabay howlgalo ka dhan ah Cabtoyda hubeysan iyo kuwa ka …

Cabdi Cade

Deni oo cadeeyay in uusan gor gortan ka galeyn doorashada qof iyo cod kana dalbaday…

Cabdi Cade

Guddiga doorashooyinka xubnaha Gobolada Waqooyi oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---