Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Guddiga Farsamada iyo maamul dhisida Galmudug oo gaaray Dhuusomareeb (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaray Guddiga Farsamada iyo maamul dhisida Galmudug oo dhawaan ay magacawday Wasaarada arimaha guddaha iyo federaalka.

Guddigan waxaa garoonka diyaaradaha magaaada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka oo horey magaaladaasi ugu sugnaa, xubno katirsan maamulka Galmudug iyo qeybo kamid ah bulshada ku dhaqan Dhuusomareeb.

Waxaa la filayaa in guddigan dowlada federaalka magacawday in ay si deg deg ah u doortaan hogaan ayna guda galaan howlahaha loo igmaday ee ah in ay soo dhisaan  Galmudug loo dhan yahay.

Tagitaanka guddigan ee magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadeysa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Wasaarada arimaha gudaha iyo Ahlu Sunna , khilaafkan ayaana ka dhashay guddigan ay dowlada magacawday.

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir  ayaa shalay magaalada Dhuusomareeb isna kaga dhawaaqay guddi kale oo agaasima doorashada Galmudug, waxa ayna arintaas uga sii dartay khilaafkii horay uga jiray dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Rasaas iyo qaraxyo laga maqlayo gudaha Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho

Cabdi Cade

Daawo: Ansixinta guddiga farsamada ee DF ku metelaya ka talo bixinta doorashada

admin

Hogaamiye caan ah oo lagu soo oogayo dembi culus oo ah inuu laaluush qaatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---