Madaxweyne Farmaajo & RW Khayre oo kulan deg deg ah ku leh Villa Somalia

Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow waxay kulan xasaasi ah isugu yimaadeen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa yimid ka dib markii Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia uu qabtay mooshin xilka ka qaadis ah oo laga keenay Madaxweynaha kaasoo ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka.

Warar ku dhow dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in labada masuul ay ka arinsanayaan xaalada cusub ee dalka ku soo korodhay iyo sidii looga hortegi lahaa mooshinkan cusub ee soo shaac baxay.

Mooshinkan laga keenay Madaxweynaha ayaa laga cabsi qabaa inuu mar kale abuuro qalalaase siyaasadeed oo ay lugaha la gasho dowlada federaalka Somalia.

la soco wixii soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -