Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis iskaashi kala saxiixday

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler, ayaa  waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujeedadiisu lagu sheegay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, kobcinta iskaashi faa’iido u leh labada dhinac, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood.

Heshiiskan lakala saxiixay oo lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dowladda Turkiga in ay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda iyo sidii loo horumarin lahaa ciidanka.

Iskaashigan iskaashi ee kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska ciidankeeda, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah oo dalka ka jirtay.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee militariga Soomaaliya, taas oo ka mid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo lagu weeraray guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo cabsi xooggan oo…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Kulan Xasaasi ah la qaatay Saraakiil Mareykan ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Jabuuti oo Kenya ku eedeeysey iney qas & Xasilooni daro ka wado Geeska Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---