Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Taliye ku-xigeenkii ciidanka dowlada federaalku geysay Baydhabo oo la dilay

Taliye ku-xigeenkii ciidamo Boolis ah oo dhowaan dowlada federaalku u dirtay magaalada Baydhabo ayaa galabta halkaas lagu dilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Baydhabo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in taliye ku-xigeenka oo aan magaciisa la sheegin uu dilay askari ka mid ahaa isla ciidanka ay dowladu u dirtay Baydhabo ka dib markii uu soo kala dhex galay muran.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askariga dilay taliye kuxigeenka la qabtay xili uu isku dayayey inuu baxsado, waxaana la dhigay xabsi ku yaalla Baydhabo.

Ciidamadii dowlada federaalku geysay Baydhabo ayaa degan xarunta madaxtooyada Koonfur galbeed ee magaaladaas, waxaana geynta ciidamadaas ay muran iyo khilaaf ka dhex dhalisay madaxda sare ee dowlada iyo siyaasiyiinta Koonfur galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddiga doorashada Aqalka sare ee Galmudug oo soo saaray Habraac nooc cusub ah

Caydiid Ali

Soomaalida kunool magaalooyin kuyaala dalka Uganda oo Digniin adag loo diray

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed- baxyo rabshado wata oo ka dhacaya Magaaloyin ka tirsan Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---