Caro xoogan oo ka dhalatay dad Muslimiin ah oo lagu sooray Hilib Doofaar

Muslimiin badan oo kunool dalka Jarmalka ayaa ka carooday in dad Mulimiin ah oo ka qeyb galayay shir isbuucii hore ka dhacay magaalada Baarliin oo lagu sooray hilibka Doofaarka oo xaaraam ka ah Muslimiinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin kana shaleenayaan hilib doofaar lagu sooray dad Muslimiin ah oo ka qeyb galayay shir ka dhacay Baarliin.

Wasaaradda Arimaha gudaha Jarmalka ayaa sheegtay in cuntada ay dadka ku soorayeen ay ahayd mid loogu talagalay dadyawga kala diimaha ah ee ka soo qayb galayay shirka Muslimiinta Jarmalka.

Shirkan ka dhacay dalka Jarmalka ee Muslimiinta loo qariyay hilibka Doofaarka waxaa hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer oo horaantii sanadkan sheegay in diinta Islaamka aysan meelna ku lahayn Jarmalka.

Dadka ka qeyb galayay shirka ka dhacay dalka Jarmalka oo u badnaa Muslimiin ayaa qaarkood aaminsan in kutala gal loogu qariyay hilibka Doofaarka, waxa ayna muujiyeen sida ay uga xun yihiin ficilkaasi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -